Saraakiil booliis ah oo loo furey aqoon kororsi


Xildhibaanno, xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, Taliyaha ciidanka booliska iyo saraakiil kale ayaa maanta ka qeyb galay aqoon kororsi loo furayay saraakiil ka tirsan ciidanka booliska, kaasi oo lagu qabtay dugsiga tababbarka ciidanka booliska Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.






Taliyaha ciidanka booliska iyo mas’uuliyiintii la socotay markii ay goobta gaareen waxa ay salaam sharaf ka qaateen cutubyo ka tirsan ciidanka booliska, intaas kadib waxa ay u gudbeen hoolka ay ka socotay aqoon kororsiga oo socon doono muddo bil ah.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in taliska ay ka go’antahay sare u qaadidda aqoonta ciidanka booliska, isagoo kula dar daarmay inay ka faa’iideystaan oo waqtiga ilaaliyaan.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa tilmaamay inay muhiimtahay in sare loo qaado aqoonta ciidanka, maadaama boolisku uu yahay saaxiibka koowaad ee shacabka.

Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa wada dadaallo lagu kobcinayo aqoonta ciidanka.


Add New Comment