Dowladda Soomaaliya oo heshiis la gashay shirkad sharci-yaqaan caalami ah



Dowladda Federalka ee Soomaaliya waxey heshiis la gashay shirkad sharci-yaqaan caalami ah in ay ka taakuleyso diyaarinta habka Heshiiska Wax-Soosaar Wadaagga.

WBatroolka inn.jpgWasaaradda Batroolka iyo Macdanta waxay ku faraxsan tahay in ay howlgalisey lataliye’yaal sharci-yaqaanno caalami ah, si ay uga caawiyaan howlaha la xiriira diyaarinta habka Heshiiska Wax-Soosaar Wadaagga (Production Sharing Agreement, PSA). Ayadoo loo raacayo habka tartanka qandaraasyada furan, oo ay gacan ka geeysatay hay’adda African Legal Support Facility (ALSF), ayaa tartanka Mashruuca Wax soo saar Wadaagga ee loogu magac daray (PSA Somalia Toolkit Project) waxaa ku guuleystaqy IMMMA Advocates, oo xubin ka ah DLA Piper Africa Group.

Hay’adda African Legal Support Facility (ASLF), oo ah xubin ka tirsan Bangiga Horumarinta Afrika howsheeduna tahay inay ka taakuleeyso dalalka Afrika gorgortanka heshiisyada ganacsiga ee la xiriira wax’soosaarka kheyraadka dabiiciga ah, ayaa waxay gacan ka siinaysaa Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta diyaarinta Heshiiska Wax-Soosaar Wadaagga. Xilligii lagu guda jiray tartanka xulashada, shan shirkadood ayaa lagu soo koobay liiska xulashada, kuwaas oo laga dalbaday in ay soo gudbiyaan codsiyadooda.

15 October 2015, waxaa codsi u soo gudbistay ASLF saddex ka mid ah shanti shirkadood. Shirkadaha soo codsaday waxay kala ahaayeen: IMMMA Advocates – DLA Piper Group (Dar Es Salam), Clyde & Co LLP and Watson Farley & Williams LLP. Ka dib markii si taxadir leh loo qiimeeyay codsiyadda qandaraaska, IMMMA Advocates ayaa laga xushay maadaama ay buuxisey shuruudihii ugu fiicnaa marka loo eego waxqabadka iyo sicirka.

Mohamed Mukhtaar Ibraahim, Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, ayaa yiri: “Heshiiska Wax-Soosaar Wadaagga waa nooca ugu habboon heshiisyada la xirrira sahminta shidaalka iyo soo saaridiisa, taasoo shirkadaha shidaalku ay ayagu qaadanayaan khatarta la xiriira sahminta shidaalka, ayadoo Dawladduna lahaanayso khayraadka iyo agabka. Somaaliya waxay heshiiska wax soo saar wadaagga geli kartaa keliya marka la diyaariyo habkan wax soo saar waddaagga (PSA model), isla markaana la helo sharuuc iyo siyaasad mideysan oo ku aadan ka faa’idaysiga kheyraadka.


Add New Comment