Magaalada Baydhabo oo lagu dhaariyay Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Koonfur Galbeed


waxaa maalinimadii shalay magaalada Baydhabo lagu dhaariyay qaybtii labaad ee Xildhibaanada ka tirsan Baarlamaanka maamulka Koonfur galbeed ee Somalia kuwaasi oo tiradoodu ay dhammeyd 57 xildhibaan.
 

Xildhibaannada la dhaarshay ayaa waxaa ku jira 30 haween ah oo ka mid noqonaya xildhibaanada baarlamaanka Koonfur galbeed, waxa uuna Madaxweynaha maamulkaasi u hagarbaxay Haweenka Koonfur galbeed.

Bishaan December ayaa waxaa horay magaalada Baydhabo loogu dhaariyay 89 xildhibaan oo ka mid ah xubnaha baarlmaaanka Koonfur-galbeed.

Wasaarada arrimaha gudaha iyo federaalka Somalia ayaa xubno uga matalaayay xafladii lagu dhaarinaayay 57 ka xildhibaan.

Dhanka dowladaha dariska ayaa waxaa Xaflada ku sugnaa wakiilo kala duwan oo indha indheenaayay qaabka ay u dhaceysay dhaarinta.

dhaarinta.jpg


Add New Comment