Madaxweynaha Galmudug oo Si weyn loogu Soo dhaweyey Magaalada Nairobi


GMG.jpg

Xaflad  aad u Qurux Badan oo si Wayn loo soo Agaasimay Ayaa Lagu Qabtay Kenya Waxaana Xafladan ay ahayd  mid lagu soo dhaweynayay Wafdiga Madaxweynaha Dowlada Galmudug mudane Cabdi Kariim Xuseen Gulled  oo Soo gaaray Kenya Gaar ahaaan Nairobi.
Xafladan Waxa ka Soo Qayb Galay Wasiiro ka tirsan Dowlada Fadaraalka Soomaliya , Xildhibaano ku jira Dowlada Soomaliya; Siyaasiyiin , iyo Sidoo Kale Jaaliyada Galmudug ee Kenya Waxaana Munaasabadaaasi ay ahayd mid aan loo Kala Harin Qaybha kala duwan ee Bulshada Galmudug ee ku nool Wadanka Kenya.
Goobta Xaflada lagu soo Bandhigya Waxa Xadir Ahaa Faarax Macalin Oo Ahaa Gudoomiye Kuxigeenkii Hore Ee Baarlamaanka Kenya ,Odayal iyo Waxgarad ka Soo jeeda Gobalada dhexe kuwaasi oo Xaflada lagu Casumay Waxana Xaflada sidoo kale ku Sugnaa Haween soomalyiyed kuwaaasi oo iyagu Qayb wayn ka ahaa Soo dhawaynta Wxaaana ay ku soo labisteen Dhar  uu ku xardhan yahay Calanka  galmudug iyo Sawirka Madaxweynaha Dowlada Galmudug mudane Cabdi Kariin Xuseen Gulled.
Sidoo kale Waxaa KENYA Jooga Siyaasiyin  dhawr ah oo ka soo jeeda Gobalada dhexe oo uu ka Mid yahay Siyaasi Axmed Cabdi salaan iyo Siyaaasiiyiin kale kuwasi oo la shegayo in ay Dhax dhaxaadin ka Yihiin Dadaalka lagu doonayo in Ururka Ahlu suna ay ku soo Biraan Galmudug
Sikastaba imaansha Madaxweynaha Galmudug aya Waxa u ku soo adaya Xili Safarkan uu kaga Yimid Dhanka Kamplala Halkaasina uu kulan kula Soo Qatay Siyaasiyiin iyo Waxgarad ka soo jeeda Galmudug kuwaasi oo uu madaxweynaha kaga Warbixiyay Horumarka Galmudug iyo halka uu marayo.

Add New Comment