Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha oo gaaray Jowhar


Jowhar.jpg

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasoo si diiran loogu soo dhoweeyay.

Wafdiga Wasiirka waxaa ka mid ah Wasiirka Amniga Gudaha, Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka, Wasiirka dhallinyarada, Wasiiru dowlaha Maaliyadda, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka oo ka soo jeeda Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaana garoonka diyaaraha ee Jowhar ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Cali Guudlaawe, ku-xigeenada maamulka, Guddoomiyaha degmada Jowhar, saraakiil iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo wafdiga la socday waxa ay kulamo la qaadan doonaan qeybaha bulshada, kuwaasi oo looga hadli doono xaalada gobolka iyo doorka uga aadan dhismaha maamulka loo sameynayo gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.

Wafdiga ayaa lagu wadaa inay booqdaan halka lagu qabanayo shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaana lagu wadaa in si rasmi ah lagu dhawaaqay waqtiga uu furmayo shirka maamul u sameynta labada gobol.

Magaalada Jowhar ayaa waxaa ka socday diyaar garow ku aadan marti gelinta shirka, iyadoo hotelada iyo guryaha la sheegay inay sii kireystaan wafuuda imaaneysa iyo xubnaha musharaxiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha Maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Add New Comment