T A C S I , geerida naxdinta leh ee Marxuum Shariif Xasan Shariif Maxamed


Sharif.jpg

Waxaa maanta ku geeriyooday magaalada Sanca ee xarunta dalka Yemen laguna aasay Allaah ha u naxariistee marxuum Shariif Xasan Shariif Maxamed Toosane oo da'diisu ay ahayd 70 sano jir.

Marxuumka ayaa waxa uu ifka kaga tagay 33 carruur ah oo isugu jira 6 uu dhalay iyo carruurtooda,
waxaana marxuumka Allaah loogaga baryayaa in uu ka waraabiyo jannadii Fardowsa, dhammaan eheladiisa iyo asxaabtiisuna uu sabar iyo iimaan ka siiyo, AAMIIN - AAMIIN - AAMIIN.

Si gaar ah waxa loogu tacsiyeynayaa Faaduma Shariif Xasan (Maana Faatma), saygeeda Nuur Sheekh iyo carruurteeda Hani, Abuukar, Maka, Cumar, Khadiija iyo Cabdulqaadir.

Add New Comment