Gen. Gaafow: Qofka aan heysan warqadda aqoonsiga ma heli doono wax adeeg ah




Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) Taliyaha Nabad Sugida iyo sirdoonka qaranka   sareeyo gaas  Cabdulaahi Gaafow Maxamud,  Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyed   Bashiir Maxamed Jaamac,Taliyaha qeybta guud ee gobalka Banaadir ciidanka booliiska Soomaaliyed Bishaar Abshir Geed,  ayaa si wadajir ah xarunta aqalka dowlada hoose ee Xamar waxey ku qabteen Shir jaraa’id oo ay ugu hadlaayen qaadashada kaarka aqoonsiga ee dowlada hoose.

Taliyaha nabad sugida iyo sirdoonka qaranka  Soomaliya   sareeyo gaas Cabdulaahi Gaafow Maxamuud ayaa ugu horeyn warbaahinta u akhriyay amarka ka soo baxay hey’adaha ammaanka dowlada iyo maamulka gobalka Banaadir

Taliyaha Nabad Sugida  Janeral Cabdulaahi Gaafow Maxamud  ayaa  sidoo kale sheegay in  hey’adaha amaanka ay talaaba ka qaadi doonan muwaadinkii aan qaadanin kaarka dhalashada dowlada ee Xamar.

Sareeyo gaas C/laahi Gaafow Maxamuud taliyaha hey’adda NISA ayaa sheegay in u jeedada amarkan ay tahay xaqiijinta amniga magaalada Muqdisho.

“Qofka aan heysan warqada aqoonsiga ma dhoofi karyo adeegyada uu u baahan yahay looma fulin karo wadooyinka kama gudbi karo, goobaha ganacsiga ayaa la fareyaa in aysan la ma macaamili karin,” ayuu yiri Gaafow.

Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Yuusuf Xusen Jimcaale Madaale  waxa uu dhankiisa sheegay  in dowlada hoose ee Xamar ay bulshada Soomaaliyed u fududeyn doonto qaadashada kaarka aqoonsiga.

“Anaga diyaar ayaan u nahay fulinta amarka bulshadana waxaa la codsaneynaa in ay u hogaan amarka ilaa afar degmo ayaa ka sameyso xarumo laga qaato,” ayuu yiri mudane Jimcaale.

Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sidoo kale xusay in maadaama dalka uu ku jiro xilli doorasho in loo baahan yahay in la sugo ammaanka iyo nabadgeliyadda muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Talaabadan ayaa haddi ay sida loo sheego u fusho waxaa ay noqoneysaa mid wax badan ka bedeli doonta ammaanka iyo xasiloonida magaalada Muqdisho maadaama kooxaha nabad diidka ah aysan u suurtagelinin ay ku dhex dhuuntaan bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Banaadir.



Add New Comment