Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya oo ka hadlay doorashada 2016



Madeira B.jpgWakiilka gaarka ah ee midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Francisco Madeira ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay heshiiska laga garay waqtiga la qaban doono doorashada dalka xilli maalintii shalay guddiga federaalka ee hirgelinta doorashada dadban uu shaaciyay in madaxweyne cusub ay Soomaaliya loo dooran doono 30 bisha October ee sanadkan 2016.

Danjire Francisco Madeira, oo sidoo kale ah madaxa howlgalka midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay in howlgalka ay ka go’an tahay sidii shacabka Soomaaliyeed gacan ugu siin lahaayeen xaqiijinta nabadda iyo xasiloonida isla markaana jawi nabdoon ay dooorasho ugu gali lahaayeen.

“AMISOM waxaa ay isticmaali doonaa awoodeeda si loo xaqiijiyo sidii  guddiga federaalka ee hirgelinta doorashada dadban ay u sameyn lahaayeen doorasho lagu kalsoon yahay oo loo maro hanaan hufan isla markaana la helo baarlamaan cusub, guddoomiye iyo madaxweyne”,  ayuu yiri Ambassador Madeira .

Wakiilka gaarka ah ee midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa sidoo kale dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka faa’ideystaan fursadda ah ka qeybgalka doorashada si aas aas ugu noqoto in sanadkan 2020 ay u dhacdo doorasho qof iyo cod ah guud ahaan Soomaaliya.

Guddiga federaalka ee hirgelinta doorashada dadban ayaa maalintii Axad shaaciyay in doorashada aqalka sare la qaban doono ugu dambeyn 25 September, halka aqalka hoose ay dhici doonto 24 September ilaa 10 October, iyadoo 30 October ay noqon doono maalinta la dooran doono madaxweynaha.



Add New Comment