Gudiga Hirgelinta Doorashada Dadban oo ku dhawaaqay Xiliga doorashada Dalka ay dhacayso



Gudoomiyaha gudiga hirgelinta doorashada dadban ee Dalka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada muqdisho,ayaa sheegay qaabka ay u dhacayso doorashada iyo xiliga doorashada.

Cumar Maxamed Cabdulle dhegey ayaa sheegay in Doorashada xubnaha Aqalka sare ee dalka ay dhacayso 25 September sidoo kale Doorashada Xildhibaannada waxay dhacaysaa 24 September-10 October ee Sanadkaan 2016

Ugu danbeyntii Gudoomiye Cumar dhagay ayaa ku dhawaaqay Doorashada Gudoomiyaha Barlamaanka   waxuuna sheegay in ay dhici  doonta 25 October , Sidoo kale waxuu halkaa ka sheegay in Doorashada Madaxweynaha JFS  ay dhacayso 30 October ee Sandkan.


Add New Comment