Qaramada Midoobay oo Galmudug u ballanqaaday mashaariic horumarineed



Madaxweynaha maamulka-goboleedka Galmudug mudane Cabdikariin Xuseen Guuled oo maalmahan dambe howlo shaqo u joogay magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr. Nicholas Kay.

Kulanka labada mas'uul ayaa waxa layskula soo qaaday sidii hay'adaha Qaramada Midoobay ay maamulka cusub ee Galmudug gacan uga siin lahaayeen dhinacyada maamulka iyo horumarinta ee uu maamulkaasi sida deg-degga ah ugu baahan yahay.

Mr. Nicholas Kay ayaa la sheegayaa inuu maamulka Galmudug u balan qaaday inay ka caawin doonaan dhinacyada hormarinta iyo dib u dhiska hay’adaha dowladeed, isla markaana ay gacan ka siin doonaan arrimaha bulshada iyadoo Q/Midoobay mashaariic ka fulin doonto degaanadaasi.

Kulankan uu madaxweyne Guuleed Muqdisho kula kulmay ayaa qayb ka dadaalka ay dowladda cusub ee Galmudug ugu jirto sidii maamulkoodu uu qaybtiisa uga heli lahaa mashaariicda dib u dhiska ee ay beesha caalamku ka waddo dalka Soomaaliya.

Add New Comment