Magaalada Muqdisho oo martigelin doonta shir-madaxeedka Ururka IGAD




Dalalka xubnaha ka ah urur-goboleedka bariga Afrika ee IGAD ayaa isku raacay in shir-madaxeedkooda  soo socda ee dhici doono horraanta bisha September lagu qaban doono caasimadda dalka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Hoggaamiyeyaasha ayaa go’aankan ku gaaray shir gaar ah oo ay ku yeesheen xarunta dalka Ethiopia, magaalada Addis Ababa maalinnimadii shalay, kaasoo looga hadlayey khilaaf ka taagan dalka Koonfurta Sudan ee xubinta ka ah ururka.

Madaxweynaha Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay shirka Addis Ababa ayaa dib ugu laabtay maanta Muqdisho, wuxuuna sheegay in Soomaaliya ay qeyb ka qaadaneyso dadaalka xal nabadeed loogu raadinayo mashaakilka Sudanta Koonfureed.

Go’aannada ka soo baxay shirka IGAD ayaa waxaa kamid ah in ciidan nabad ilaalin ah la geeyo Koonfurta Sudan, iyadoo dowladda dalkaas ay oggolaatay ciidanka.

Boqollaal qof ayaa ku dhimatay dagaallo dib uga billowday Koonfurta Sudan bishii July, kuwaasoo u dhexeeyo ciidamo daacad u ah madaxweyne dalkaas, Silva Kiir iyo kooxaha mucaaradka.

 


Add New Comment