Hey’adda cilmi-baarista badaha oo tababar u qabatay shaqaaleheeda



Hay’adda cilmi-barista badaha Soomaaliyeed ayaa xarunteeda magaalada Muqdisho tababar ugu  qabatay qaar ka mid ah shaqaalaha hay’adaasi, kaasi oo ku saabsanaa cilmiga badaha Adduunka.

Iyada oo Dowladda Kenya ay ka taallo dacwad la xiriirta damaceeda Badda Soomaaliya, ayaa Hay’adda Cilmi baarista Badaha, Soomaaliya, waxa ay tababar u furtay ku dhowaad 20 ka mid ah Shaqaalaha Hay’adda.

Tababbarkaan oo uu goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Hay’adda Cilmi-baarista Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare) ayaa lagu baranayay qanuunka Baddaha Caalamka, iyada oo daruusta diirada lagu saaray, waxa uu qabo Xeerka Aduunka iyo waxa ay u leedahay Soomaaliya marka laga hadlayo Badda Soomaaliya.

Gudoomiyaha Hay’adda Cilmi baarista Admiral Faarax Qare ayaa cadeeyay in hadafka aqoon kororsigaan uu yahay in waxa laga barto looga faa’ideeyo bulshada inteeda kale.

“Siminaarka maanta aan sameynay waxa uu ku saabsanaa in aan markasta isku sheegno ku celcelino, si Dadka kalana ay u baraan qawaaniinta Caalamiga ah eek u saabsan badaha, waayo qawaaniintaasi ayaa isku xireysa Aduunka, hadii aan Caalamka iyo Dowladaha ay wax kala tabanayaan qawaaniintaasi ayaa xalineysa, bil kasta siminaar ayaan sameynayaa waxaa ka sameynaa dhibaatada Badda iyo wasaqeynteeda, dhowaana waan soo bandhigi doonaa”

Gudoomiyaha Hay’adda cilmi baarista Badda Soomaaliya Admiral Faarax Qarre ayaa meesha ka saaray suurtagalnimada in Kenya ay kaga guuleysato dacwadda, isaga oo sheegay in ay qabaan kalsooni badan marka loo eego waxa uu qabo sharciga Caalamiga ah ee Badaha.

“aniga ma aaminsani fikradaasi, Soomaalida ayaa aamisan Ninkii xoog weyn iyo ninkii xoog yar cadaalada looma simi karo, aduunka waxaas kama jiraan, Maxkamadda arrintaani ku jirto waa Maxkamad Caalami ah oo Dadka u dhaxeysa, marka garta inaga ayaan heli karno marka aan eegnay xukunadii horay ay u riday Maxkamadda Caalamiga ah. Soomaalida waxaan leeyahay guuldaro ma jirtee bal u kaadiya oo kalsooni muujiya.

Add New Comment