Wasiirka amniga gudaha oo tababar u furay askar ka tirsan ciidanka booliiska



Askar ka tirsan ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa maanta tababar sare loogu qaadayo aqoontooda looga furay Kulliyadda Jeneraal Kaahiye ee ciidanka booliska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho.

Tababarkan oo ay si wadajir ah usoo qaban qaabiyeen wasaaradda amniga iyo taliska ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa maanta loo furay 130 askari oo ka tirsaan ciidanka Booliiska, kuwasoo ka howlgelidoona gobollada dalka gaar ahaan deegaannada laga xoreeyay maleeshiyaadka Shabaab.

Furitaankii tababarka waxaa goob joog ka ahaa wasiirka amniga gudaha, taliyaha ciidanka booliiska, taliyaha ciidnka asluubta, taliyaha booliiska ee ciidamada AMISOM iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka booliiska Soomaaliyeed.

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa sheegay in uu ku dadaali doono tayeynta ciidanka, islamarkaana sare loo qaadi doono aqoonta ciidanka booliiska Soomaaliyeed.

Wasiirka amniga gudaha C/risaaq Cumar  ayaa ka hadlay muhiimadda uu leeyahay tababarkan, wuxuuna hoosta ka xariiqay in tababarrada noocan oo kale ah ay wax weyn ka tarayaan sugidda amniga dalka.


Add New Comment