AMISOM oo ka Hadashay Dhacdadii Marka



Hawlgalka Nabad ilaalinta Midawga Africa ee Somalia “AMISOM” ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen waxay ku sheegeen inay soo gaadheen maamulka hawlgalka dacwaddo lagu eedaynayo ciidamada AMISOM inay dad rayid ah ku dileen gobolka shabeelaha hoose.

War-saxaafdeedka AMISOM ayaa lagu sheegay in ciidmada AMISOM ay hawlgallo nabad ilaalin ah wadeen isla markaana ay al shabaab soo weerareen Kolonyo sahay u sidday ciidanka AMSOM, kadibna ay ciidmadu is difaceen.

AMISOM ayaa sheegay inay la kulmeen odayaasha deegaanka isla markaana ay ka wada hadleen sidii nabadgaliyada loo sugi lahaa.

Warsaxaafadeedka AMISOM ayaa lagu sheegay in dadka deegaanku ay codsadeen in la raro saldhig ay AMISOM ku leeyihiin goob u dhaxaysa Muqdisho iyo Marka.

Laakin warsaxaafdeed ayaa sheegay in AMISOM ay codsigaasi diidday maadaama oo goobtaasi ay ahimayad u leedahay dagaalka lagula jiro Shabaab.

Dhinaca kale warsaxaafadeedka AMISOM ayaa lagu sheegay in la bilaabay dambi-baadhis la xidhiidha sida ay wax u dhaceen, waxaana loo yeedhay taliyaha AMISOM u qaabilsanaa agaagarka Marka si su’aalo looga waydiiyo sida ay wax u dhaceen isla markaana lala xisaabtamo.

Ugu dambayntii AMISOM ayaa sheegtay inay dawladda federaalka iyo maamulka Koonfur-Galbeed ay kala shaqayn doonaan sidii xal loogu helilahaa xiisadda ka taagan Marka.


Add New Comment