Hay'adda Lacagta Adduunka (IMF) oo soo dhaweysay Go’aanka Dib u eegista Miisaaniyadda Somalia



Guddiga Fulinta ee Hay'adda Lacaga Adduunka ee IMF-ta ayaa soo dhaweeyay inay Somalia dib uga Howl-gashay kaddib markii la eegay (Aritical VI), iyadoo Qiimayntaan mid la mid ah ay ugu dambaysay in Soomaaliya laga sameeyo 26-sano ka hor.

Warbixin ay soo saartay IMF ayaa lagu xusay in guddiga fulintu Ogolaadeen Qiiimaynta ay sameeyeen Hawl-wadeennada Hay’adda. Iyadoo lagu yiri warbixinta. "Waxaa Somalia lasoo darisay caqabado dhib badan tan iyo markii ay dagaallad sokeeye ka billowdeen. Mudnaanta 1-aad waxaa la siinayaa dhismaha hay’adaha Dowladda iyo Taabo-galinta dhinaca maamulka, iyadoo la samaynayo dib u habayn dhinaca qaab-dhismeedka ah si loo dhiirrigeliyo koboca dhaqaale, loona yareeyo Saboolnimada. Waxaana caddeneynaa in Caalamku uu muhiimad gaar ah siinayo Somalia si loo xoojiyo dadaallada ay waddo Dowladda Somalia."

Guddiga ayaa sheegay in xoogga la saarayo baahida loo qabo in tallaabooyin muhiim ah oo loo qaado dhanka dhismaha nidaamka Maaliyadda dalka, iyadoo sal looga dhigayo hab miisaaniyadeed iyo fulin dhab ah. Waxayna soo dhaweeyeen Meel-marinta Golaha Wasiirrada ee dib u eegista Miisaaniyadda Sannadkan 2015-ka, si looga fogaado in Qaladaad Maaliyadeed oo cusub soo baxaan, iyadoo kor loo qaadayo dakhliga lana xadaynayo mushaharaadka, adeegyada asaasiga ah iyo kharashaadka kale ee Dowladda Somalia.

"Waxay Guddigu Xoojinayaan Muhiimadda ay leedahay dajinta Miisaaniyadda xilliga dhow; iyadoo lagu shaqaynayo Hannaanka Maaliyadeed ee ku salaysan mabaadi’da wanaagsan oo Maaliyadeed, warbixin daahfuran iyo Dib-u-eegis kharashaadka si kor loogu qaado Qoondaynta dhaqaalaha ee dhinacyada maal-gashiga dalka iyo kaabayaasha dhaqaalaha," ayaa lagu yiri warbixinta IMF.

Sidoo kale, Guddiga Fulintu waxay soo dhaweeyeen dadaalada socda ee lagu xoojinayo Qaab-dhismeedka maamulka iyo Awoodda ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, iyadoo taageero laga helayo Sanduuqa Lacagta ee Caalamiga ah iyo beesha caalamka. Waxayna ka digeen in aan dib u habayn lagu samayn karin hiltaanka shilin Soomaali cusub ilaa shuruudaha oo dhan laga hirgelinayo, si loo ilaaliyo aamminaada siyaasadeed.

Dhanka kale, Guddiga Fulintu waxay sheegen iney Xoojinayaan dib u habaynta Maaliyadda Dalka, muhiimad gaar ahna la siinayo kalsoonida iyo hubanti ku saabsan shati-bixinta iyo la-socodka Shirkadaha Lacagaha Xawila, si gacan looga geysto in la helo qaab Xawilaad oo nidaam Bank ku salaysan. Waxayna Guddigu ku taliyeen in la helo nidaam lagu cirib tirayo lacaga been Xalaalaysiga iyo ka hortaga maalgelinta argagaxisada (Anti-Money Laundering and Countering Financing of Terrorism) si waafaqsan nidaamka iyo xeerarka caalamka.

Ugu dambeyn, Guddiga Fulinta IMF ayaa soo jeediyey in Hay’adda & Wadamada Deeqaha Bixiya ay ku dhiirri-geliyeen Dawladda Federaalka Soomaaliya in lasii wado sidii looga shaqayn lahaa in la tirtiro deyn muddo socotay oo lagu leeyahay Soomaaliya. Waxayna xuseen in waqtiga ku habboon la sameeyo iskaashi u dhexeeya Somalia iyo IMF oo ku saabsan lacag bixinta iyadoo lagu salaynayo barnaamij si wanaagsan loo qorsheeyey oo ay Hawl-wadeenada IMF ay gundhig u yihiin, kaasoo tallaabo muhiim u ah dayn cafinta iyo Hagaajinta xiriirka Beesha Caalamka.

Guddigu waxay hoosta ka xariiqeen in loo baahan yahay taageero caalami ah oo sii socota oo la siiyo Soomaaliya, waxana ay soo dhaweeyeen Abuuridda Kooxda Farsamada oo ka Shaqaynaya deynta Soomaaliya.


Add New Comment