Madaxweynaha oo si rasmi ah u furay Shirka Madasha Wada-tashiga



Waxaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho shirka madasha wada tashiga qaran oo ay ka qeyb galayaan madaxda dowlada federaalka ah ee Soomaaliya, iyo madaxda maamul goboleedyada dalka.

Shirkan oo lagu dhameystirayo qodobadii ka dhimanaa doorashooyinka Soomaaliya loo qabanayo sanadkaan 2016-ka, waxaa sidoo kale ka qeyb galaya madax ka socota beesha caalamka.

Shirka oo socon doona mudo labo maalin ah ayaa waxaa warbixin looga dhageystay guddiga farsamada ee heer qaran, iyadoo waxyaabaha ugu muhiimsan ee shirkan looga arinsanayo ay qeyb ka yihiin, in la dhameystiro gudiyada heer dowlad goboleed ee doorashyooyinka ka dhimanaa.

Wasiirka dowlaha Madaxtooyada Mahad Maxamed Salaad oo warbaahinta uga warbixiyay furiyaanka shirka ayaa sheegay in shirka soconayo labo cisho, isla markaana laga hadlayo arrimaha dhameystirka doorashooyinka 2016

“Maanta waxaa furmay shirkii madasha ee looga arrinsanayay dhameystirka arrimaha quseeya doorashooyinka 2016, waxa warbixin laga dhageystay Guddiga farsamada heer qaran, qodobada muhiimka ee hor-yaala madasha waxa ka mid ah in la dhameystiro guddiyadii heer dowlad goboleed ee doorashada ka dhimanaa, in la dhameystiro guddiga khilaafaadka”ayuu yiri Wasiir dowlaha Madaxtooyada Mr Mahad Salaad

Waxaa sidoo kale uu sheegay in looga hadlayo labada maalin ee uu soconayo shirka doorka haweenka ay ku yeelanayaan baarlamaanka la filayo, iyo waliba aqalka sare.

Ugu dambeyn wasiirku ayaa sheegay in gabagabada shirka lagu soo gudbin doono xilliga rasmiga ah ee doorashada la qaban doono  iyo xiliga ay dhamaan doonto, iyo sidoo kale qodobada wali dhiman eek u aadan doorashooyinka 2016-ka.




Add New Comment