Guddoomiye Muungaab oo shacabka ka codsaday la shaqeynta laamaha amniga



Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galay munaasabad xariga looga jarayay xarunta Waaxda Yuusuf Al-Kowneyn ee degmada Boondheere, halkaasi oo dib u dhis lagu sameeyay.

Guddoomiyaha degmada Boondheere Qaasim Cabdullahi Xasan ayaa hirgalinta Waaxda Yuusuf Al Kowneyn uga mahad celiyay Maamulka gobalka Banaadir, isagoo xusay in shacabka ku nool waaxdaasi ay ka heli doonaan adeegyada ay uga baahanyihiin xarunta demada.

“Sida ay hada u qurux badan tahay Waaxdani uma qurux badneyd marka hore, mudane guddoomiye dadka reer Boondheere aad bay kuugu mahad celinaayan, maadama aad noo dhistay Waaxda Yuusuf Al Kowneyn oo aan baahi weyn u qabnay” ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Boondheere.

Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” ayaa kula dar daarmay shacabka Soomaaliyed ee kunool magaalada Muqdisho in ay il gaar ah ku haayan ka hortaga falalka guracan ay geysanaayan Kooxda Nabad diidka ah ee Al-Shabaab ee diidan horumarka Caasimadda, isagoo sheegay in loo baahan yahay in bulshada ay la shaqeeyan laamaha amniga, si loo fashiliyo isku daygooda.

“Gacmaha waa in aad is qabsataan horumarkan dib u dhiska iyo nadaafada waa in aad ka qeyb qaadataan magaalada aan nadaafad ka jirin lama horumarin karo, magaala aan nabad gelyo laheyn, lama maalgashan karo, marka waa in aad la shaqeysaan laamaha amniga”ayuu yiri Muungaab.


Add New Comment