Jaamacadda SIMAD oo abaalmarin caalami ah la guddoonsiiyay




Munaasabad lagu soo dhaweynayo abaalmarinno caalami ah oo ay jaamacadda Oxford iyo fadhiga ganacsiga ee Yurub EBA ay guddoonsiiyeen jaamacadda SIMAD oo ay ka qeyb galeen masuuliyiin ka socotay bahda waxbarashada iyo marti sharaf kale ayaa maanta lagu qabtay xarunta jaamacadda ee magaalada Muqdisho.

Abaal marinadaan ay jaamacaddu heshay waxa ka mid ah ruqsad ama license ay u adeegsan karto howlaheeda suuq gaynta shanta sano ee soo socota ayadoo loo eegayo sharciga ganacsi ee boqrtooyada Britain. Sidoo kale gudoomiyaha jamacadda SIMAd Dahir Hassan ayaa la gudoonsiiyay shahaadada ka mid noqoshada midowga akadeemiyada Oxford (Oxford Academic Union). Ugu dambayna jaamacadda Oxford gudoonsiisay SIMAD shahaado wanaag isla markaana u aqoonsatay mid kamid ah jaamacadaha ugu wanaagsan gobolka.

Eng Maxamuud Axmed Jimcale oo gudoomiya jaamacadda Jamhuuriya ayaa xusay in tani ay tahay guul usoo hoyatay dhamaan bahda waxbarashada ee Soomaaliya isla markaasna meesha ka saartay aragtida xun ee dadka qaar ay ka aaminsanaayeen tayada waxbarasho jaamacadaha dalka ku yaala.

Gudoomiyaha Jaamacadda SIU, Prof Yahye Cali Ibraahim ayaa tilmaamay in abaal marintani macno gaar ah ay ugu fadhiso dadka Soomaaliyeed gaar ahaan bahda waxbarashada sare ee dalka, SIMAD-na ay tahay astaan lagu daydo.

Agaasimaha xafiiska wakaaladda muslimiinta Afrika ee magacooda marka lsoo gaabiyo loo yaqaano AMA ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay abaal marintaan caalamiga ah. Waxa uu tilmaamay in aqoonsigan caaalamiga ahi soo dhawaynayaan isla markaasna farxad gaar ah ay tahay.

Gebagebadii xaflada waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Jaamacadda Daahir Xasan oo tilmaamay in jaamacaddu aysan raadsanin aqoonsigaan laakin loo gartay marki la arkay dadaalka dheeraadka ah ee ay jaamacaddu ku bixinayso tayaynta waxbarshada. Waxa uu tilmaamay in ay magaca soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan bahda waxbarasho ay ku gudoomeen hadiyadaan dadaalkana halkiisa laga sii wadi doono.

Jaamacadda SIMAD waxaa la aasaasay 1999kii, ayadoo lagu billaabay machad bixiya waxbarashada sare gaar ahaan ganacsiga iyo xisaabaadka, sanadkii 2011-kii ayaa loo beddelay jaamacad, waxay bixisaa iminka 9 kulliyadood ayadoo ay dhigtaan ku dhawaan afar kun oo arday.


Add New Comment