Mo Farah oo mar kale guuleystay




Mo F.jpgMaxamed Faarax (Mo Farah) ayaa mar kale wacdaro ka dhigay tartanka cayaaraha fudud ee ka socda dalka Shiinaha, isaga oo ku guuleystay orodka 5000 mitir, todobaadkii horena ku guuleystay orodka 10,000 mitir.

Orodyahankan ayaa wali sii wata guulihiisa is daba-jooga, isagoo sanadihii 2012 ee Tartankii Olimbikada iyo Tartankii ciyaaraha fudud ee Moscow ka dhacay sanadkii 2013 ku guuleystay labo biladood.

Mo Farah ayaa waxaa shaki la gelinayay sida uu tartanka 5000 mitir ugu guuleysan karo, maadaama xafiiltan aad u adag uu kala dhaxeeyay orodyahano u dhashay dalalka Kenya iyo Itoobiya.

Orodyahanka u dhashay Kenya Caleb Ndiku ayaa tartankii ciyaarihii Commonwealth ku guuleystay orodka 5000 mitir, iyadoo Ndiku uu hogaanka qabtay wareegii labaad ee tartanka, waxaase dhacday in Mo Farah uu la soo baxay tallaabadiisa dheereeyd, iyadoo wareegii ugu dambeeyay uu ka hor maray.

Orodyahankan asalkiisa Soomaaliga yahay, balse heysta dhalashada British-ka ayaa shan jeer qaaday bilada dahabka, waxaana uu horay u qaaday Orodada 5-ta kun iyo 10-ka kun ee Orodka.

Markii uu ku guuleystay orodka 5000 mitir ayuu muujiyay calaamad ah inuu mar kale filanayo in canug loo dhalo, kadib markii uu suulkiisa nuugay.


Add New Comment