Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha oo u amba baxay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta “SAWIRRO”



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u amba baxay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta halkaasi oo uu kula kulmi donaan Amiirka dalkaas Sheekh Maxamed Bin Sahid Al-nahyaan oo ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka qotoda dheeer ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ku sii sagootiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo mas’uuliyiin kale.

Afhayeenka Madaxtooyada Qaranka Daa’uud Aweys oo Warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha caalamiga ah Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Madaxweynaha uu casuumaad ka helay hogaamiyaha Dalka isutaga imaaraadka oo ay ka wada hadli doonaan arrimo badan oo ay ka midtahay xaaladda dalka.

“Madaxweyaha Jamhuuriyadda waxa uu ku wajahanyahay, waxa uu marti qaad rasmi ah ka helay hogaamiyaha dalkaasi Sheekh Maxamed bin Sahid Al-nahyaan oo aad ogtihiin in xiriir wanaagsan oo qoto dheer ay ka wada dhexeeyaan labada dal, Imaaraadka waxa uu ka qeyb qaataa dib u dhiska Soomaaliya” ayuu yiri Afhayeenka.

Add New Comment