Guddoomiye Muungaab oo koob guddoonsiiyay cayaartooyda degmada Boondheere “SAWIRRO”



Tartanka kubadda cagta ee lagu soo gabo gabeynayay tartan soo bilowday 1-dii August ee sanadkan ee loo qabtay cayaartooyda17-ka  degmo gobolka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Isboorti, Taliyaha ciidanka booliska, Guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa Muqdisho, ku-xigeenada guddoomiyaha gobolka, qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka, dadweyne aad u fara badan iyo marti sharaf kale.

Kulankii kama dambeysta ah oo ay isagu soo hareen cayaartooyda degmooyinka Boondheere iyo Waaberi, ayaa waxa ay garoonka ku soo bandhigeen kubad ay jecleysteen dhamaan daawadayaashii cayaarta, iyadoo ay ku soo idlaatay guud ahaan cayaarta 1-0 oo ay guusha ku raacday cayaartooyda degmada Boondheere, waxaana qeybtii dambe ee cayaarta ay min hal karaka casaanka ah qaateen labo cayaartooy oo ka kala tirsan degmooyinka Waaberi iyo Boondheere.

Guddoomiyaha isboortiga ee gobolka Banaadir Xasan Aadan Yabarow Wiish ayaa sheegay in tartankan loogu talagalay isdhexgalka bulshada, ayna joogteen doonaan tartamada nuucaani oo kale ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab oo isna goobta hadal ka jeediyay ayaa sheegay in tartanka uu si guul ah ku soo dhamaaday, isagoo uga mahadceliyay dhamaan intii ka qeyb qaadatay tartanka oo ay ugu horeeyaan ciidamada amniga.

“Maamulka gobalka banaadir ujeedkiisu waa in uu horumariyo is dhaxgalka bulshada iyo dhallinyarada oo la muujiyo doorkooda, soo gabo gabeynta tartankan waxa ay ku soo beegantay xilli maamulka gobolka uu labadii todobaad ee ugu dambeysay aan dhagax dhig ku sameynay qaar ka mid ah wadooyin bur bursan oo aan laami casri ah saareyno, tani waxa ay muujineysaa horumarka amniga iyo tan bulsho ee gobolka ka jirta” ayuu yiri Muungaab.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa Maamulka gobolka ku bogaadiyay qabashada tartamada isboorti ee nuucaani oo kale ah ee lagu dhiiri gelinayo isdhexgalka bulshada iyo dhallinyarada.

Wasiir ku-xigeenka Isboorti Cismaan Aadan Dhuuboow ayaa sheegay in Wasaaradda dhalinyarada iyo Isboortiga ay soo dhaweyneyso qabashada tartamada isboorti, isagoo hambalyo u diray cayaartooyda degmada Boondheere ee koobka ku guuleystay iyo kuwa degmada Waaberi ee kaalinta labaad galay.

Gabo gabadii waxaa halkasi shahaadooyin iyo koobab la guddoonsiiyay dhamaan intii ka qeyb gashay tartanka iyo warbaahintii tebeneysay cayaarta inta ay socotay oo ay ugu horeyso Warbaahinta Qaranka.

 


Add New Comment