TACSI, geerida naxdinta leh ee ku timid marxuum Xaaji Abuukar Nuur Gulaal



Waxa maanta cusbitaalka Mediina ee magaalada Muqdisho ku geeriyooday Allaah ha u naxariistee marxuum Xaaji Abuukar Nuur Gulaal oo 80 jir ahaa, kana mid ahaa nabadoonnada beesha Silcis iyo kuwa gobolka Shabeellada Hoose.

Marxuum Xaaji Abuukar Nuur ayaa waxa uu ifka kaga tagay carruur fara badan oo isugu jira kuwo uu dhalay iyo kuwo ay sii dhaleen, waxaana geeridan naxdinta leh lala socodsiinayaa eheladiisa oo ku kala nool dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba.

Maamulka shabakadda wararka ee SilGor.com waxay geerida Xaaji Abuukar uga tacsiyeynayaan guud ahaan reer Nuur Gulaal, gaar ahaan xaaskiisa iyo carruurtiisa, sidoo kale waxa loogaga tacsiyeynayaa golaha odayaasha dhaqanka beesha Silcis Gorgaate.

Marxuumkana waxaa Allaah uga baryeynaa in uu ka waraabiyo jannadii Fardowsa, intii uu ka baxayna uu Allaah sabar iyo iimaan ka siiyo - AAMIIN - AAMIIN - AAMIIN.

Add New Comment