Madaxweynaha Galmudug oo booqday deegaanka Gelinsoor ee gobolka Galgaduud



Madaxweynaha dowlada goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa maanta booqday deegaanka Gelinsoor oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Bulshada ku dhaqan deegaankaasi ayaa si diirran u soo dhaweeyay madaxweynaha maamulka Galudug iyo wafdiga uu hoggaaminayo ee maanta gaaray deegaanka Gelinsoor.

Madaxweynaha Galmudug ayaa kormeeray xarumaha adeegyada bulshada ee deegaankaasi sida cisbitaallada, dugsiyada waxbarashada iyo saldhiga booliiska ee deegaankaasi.

Wuxuu xilligan kulamo la leeyahay waxgaradka bulshada iyo mas’uuliyiinta maamulka  deegaanka Gelinsoor oo ka tirsan deegaannada hoosyimaada maamulka Galmudug.


Add New Comment