Wasiirka waxbarasha oo ka warbixisay heshiis waxbarasho oo ay la soo saxiixatay dhiggeeda dalka Masar




Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee Soomaaliya marwo Qadra Bashiir Cali ayaa si faahfaahsan uga warbixisay heshiis dhinaca iskaashiga waxbarashada ah oo ay la soo gashay madaxda dalka Masar.

“ujeeddada safarka aan ku tagay dalka Masar waxa ay aheyd sidii aan u soo saxiixi lahayn heshiisyo badan oo ayaantan oo dhan laga soo shaqeeynayay, waana soo saxiixnay heshiiskaasi ku saabsan horumarinta waxbarashada dalka” ayeey tiri marwo Qadra Bashiir Cali Wasiirka waxbarashada dalka.

Wasiirka ayaa si gaar ah ugu mahadcelisay Danjiraha Soomaaliya ee dalka Sucuudiga Daahir Maxamuud Geelle oo ay sheegtay in uu la qoray heshiiska ay kala saxiixdeen labada dowladood Masar iyo Soomaaliya.

Marwo Qadra ayaa xustay in heshiiska uu soo billowday markii madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan SHeekh Maxamuud ee tagay dalka Masar, waxeyna sidoo kale u mahadcelisay danjiraha Soomaaliya ee dalka Masar oo ay ku tilmaantay in uu kaalin weyn ka qaatay taaba gelinta heshiiskan.


Add New Comment