Wasiirka warfafinta” maaha in sida xoolo meel lagu soo xirto qof gudanaya waajibkiisa Shaqo”



Wasiirka Warfafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ka hadlay Xarigga wariyaasha u Xiran maamulka Ahlusunna waljamaaca, isagoo baaq u diray Mamulkaas.

Wasiir Maareeye ayaa ugu baaqay Ahlusunna inay si shuruud la,aan ah u sii dayso Wariyaasha Gacanta ugu jira  Maalintii sadaxaad.

“Waa Arrin Aanan haboonayn in Xadgudub loo geysto wariyaasha  wixii qaldan waa laysla ogaanayaa laakiin maaha in sida xoolo meel lagu soo xirto qof gudanaya waajibkiisa Shaqo ee loo Idmay, Ahlusunna waxaan leeyahay ha Siidaayaan wariyaasha” Ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska.

Waajibka wariyaasha ayaa ah in  uu si xoriyad ah u soo gudbiyo xogta muhiimka ah ee ka jira Gudaha iyo Dibadda  laakiin maaha in iyadoo lagu Xadgudbayo  Xoriyadda hadalka iyo Runta  la dhibaateeyo Wariyaha, iyadoo loo Adeegsanayo Xarig,Dil iyo Hanjabaad  taas oo ay hadda sameeyeen ciidamo ka Ammar qaadanaya Maamulka Ahlusunna Waljamaaca,  maalintii sadaxaad u xiran lix wariye oo ka howlgalayay Magaalada Dhuusamarreeb ee Gobolka Galgaduud.

Ururka Ahlusunna 48-kii saac la soo dhaafay waxa ay magaalada dhuusmarreeb ku xireen Lix wariye oo u shaqeynayay Warbaahinno kala duwan ilaa hadana faahfaahin badan lagama hayo sababaha loo xiray suxufiyiintaasi.


Add New Comment