Gabar Soomaali ah oo ku guuleysatay Xubinimada Baarlamaanka Gobolka Minnesota




Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaaliyeed ayaa ku guuleystay xubinimada Baarlamaanka Gobolka Minnesota, gaar ahaan degmada 60-B, iyadoo ka guuleysatay haweeneydii mudada dheer ku fadhisay kursigaas oo lagu magacaabo Phyllis Kahn.

Doorashadan kursiga xubinimada Baarlamaanka Gobolka Minnesoto ee degmada 60-B ayaa waxaa ku tartamayay saddex musharax oo kala ahaa Ilhaan Cumar, Mohamed Nuur oo labaduba ahaa Soomaali iyo Phyllis Kahn oo horay kursigaas ugu fadhisay.

Ilhaan Cumar ayaa heshay codod dhan 41%, halka Mohamed Nuur uu helay 30%, halka Phyllis Kahn ay heshay 29%.

Waxaa ay noqoneysaa gabadhii u horeysay oo Soomaali Mareykan ah ah oo Xildhibaan ka noqota dalka Mareykanka.

Ilhaan Cumar ayaa aad u soo dhoweysay guusha ay gaartay,waxaana iyadoo ilmeyneysa la dabaal degtay taageerayaasheyda, markii lagu dhawaaqay natiijada codka.



Add New Comment