Baaritaano lagu samaynayo Soma Oil



Xafiiska baaritaanada culus ee qiyaanooyinka lacagaha ee Britain, ayaa baaraya eedaymo musuqmaasuq ee shirkad shidaal oo British ah oo ka shaqaysa Soomaaliya.

Soma Oil and Gas, ayaa waxaa madax ka ah Michael Howard oo ahaa hogaamiyihii hore ee xisbiga Conservativeka ee xukunka haya.

Shirkada ayaa sheegtay inay mar walba sharciga ku dhaqmaysay ayna la shaqayn doonto baarayaasha.

Xafiiska baaritaanada qoraal ay ku soo saareen bartooda internetka ayay ku waydiisteen in dadka wax ka og arrintan ay la soo xiriiraan.

Sanadkii hore baarayaasha Qaramada Midoobay ayaa ka muujiyay walaac in heshiiska Soma oil aan la shaacin.

Taariikhda Soma oil and Gas

Sharikadda Soma oil and Gas waxaa la aasaasay horraantii sanadkii 2013-kii iyadoo sida cad lagu socday aragti ah in Soomaaliya shidaal laga baaro. Arrintani waxay soo nooleenaysaa sahan lagu sameeyo dhul wixii ka horreeyay sanadkii 1991, tiro sharikado caalami ah oo shidaal la siiyay oggolaansho laysinno kahor intii aanay burburin dowladdii Soomaaliya.

Guddiga iyo maamulka sharikadda Soma oil and Gas, waxay la shaqeeyaan dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo wasaaradda macdanta qaranka si albaabada loogu furo saliidda iyo gas-ka Soomaaliya ku jira.

Weliba Soomaaliya hadda waxay tahay aaggii ugu dambeeyay ee khariidadda shidaalka gobolka.

khubarada shidaalku waxay qabaan in kheyraad aad u badan uu ka buuxo xeebta iyo biyaha ka baxsan Soomaaliya labadaba.

Soma oil and gas waxay noqon doontaa sharikaddii ugu horreysay ee qarnigan 21-aad baaritaan shidaal ka bilawda Soomaaliya iyadoo la tashanaysa dowladda federaalka ah, sahan xagga badda ahna sameynaysa si loo ogaado baaxadda shidaalka iyo gaaska Soomaaliya ku jira.

Inta ay shaqadaas waddo, Soma oil and gas waxay fursad u heli doontaa inay garato oo magacawdo goobaha baaritaan dheeraad ah iyo horumarin lagu sameynayo.


Add New Comment