Shiinaha: Ma xireyno safaaraddeena


Safiirka safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya danjire Wei Tianhong ayaa sheegay in dowladdiisu aysan xiri doonin safaaradda ay ku leedahay Soomaaliya, kadib weerar is miidaamin ahaa oo Axaddii lagu qaaday Hotel Jaziira oo ay ku taallo safaaradda Shiinaha.

Danjire Wei Tianhong ayaa tilmaamay in isaga iyo shaqaalaha kale ee safaaradda ay usii dhabar adeygi doonaan caqabadaha dhinaca amniga ee mararka qaar ka jira Soomaaliya, si uu usii socdo xiriirka laba dal.

Muwaadin Shiinees ah oo ka tirsanaa safaaradda ayaa kamid ahaa dadkii ku dhintay weerarkii Hotel Jaziira, sidoo kale waxaa ku dhintay mid ka mid ah ilaalada safaaradda, saddex kalena wey ku dhaawacmeen.

Dowladda Shiinaha waxey ka mid tahay dalalka taageera Soomaaliya.


Add New Comment