Madaxweyne Geelle oo mar kale Ku Guuleystay Doorashadii dalka Djibouti



Ismael O.jpgDalka Djibuiti ayaa waxa lagaga dhawaaqay natiijada tartankii doorashada madaxtinimada dalkaasi ee maalinimadii shalay qabsoontay, taasoo uu ku guuleystay madaxweynaha xilka dalkaasi haya ee mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Sida lagu sheegay war saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Djibouti, Mr. Geelle ayaa helay 68.68 boqolkiiba codadkii ay dadku dhiibteen, isagoo ku guuleystay wareeggii hore ee doorashada.

Murashaxa ku soo dhow Cumar Cilmi Kheyre ee ka tirsan dalalla mucaaradka ee USN ayaa helay 7.32 boqolkiiba.

Murashixiinta kale ayaa iyana kala helay:  Maxamed Dauud Shixin 2.28% Maxamed Muuse Cali 1.53%,  Xasan Idiris Axmed 1.39%,  Jamac C.raxman Jamac 0.79%.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa waxa uu Madax ka ahaa Djibouti muddo 17 sanadood ah, waana madaxweynaha labaad ee uu dalkaasi yeesho tan iyo markii ay xorriyadda ka qaateen dalka Faransiiska sanadkii 1977kii.


 


Add New Comment