Madaxweyne Xasan oo soo dhaweeyay Heshiiskii ay kala saxiixdeen Dowladda Somalia & Puntland




Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud, ayaa soo dhaweeyay heshiiskii ay xalay Garoowe ku kala Saxiixdeen Dowladda Federaalka Somalia iyo Maamulka Puntland ee ku aaddan qaabka doorashada ee dhamaadka Sannadkaan 2016-ka Somalia ka dhici doonta.

“Waxaan si diirran u soo dhaweynaya tallaabadaan horumarka ah oo dhabbada u xaareysa in Somalia ay sanadkan ka qabsoomaan doorashooyin loo dhan yahay. Heshiiskan wuuxu sidoo kale muujinayaa biseylka siyaasadeed ee Soomaalida ay ku xallisanayaan Arrimaha dhexdooda ka dhaca,’’ ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh ku yiri War-saxaafadeed uu maanta soo saaray.

Sidoo kale, Xasan Sheekh ayaa ugu baaqey ummadda Soomaaliyeed inay si wadajir ah u taageeraan hannaanka siyaasadeed ee dalka oo uu sheegay inuu fure u yahay horumarka, nabadda iyo dib u dhiska dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Puntland, ayaa Xalay ku kala Saxiixday Garoowe heshiis ay qayb ka tahay in Doorashooyinka sannadkaan 2016-ka ka dhici doona Soomaaliya lagu saleeyo nidaamka awood-qaybsi ee 4.5-ka ah, kaas oo ay horay u diidday Puntland.

Heshiiskan Saxiixiisa ayaa waxaa qayb weyn ka qaatay xubno ka socda Beesha Caalamka oo ay ka mid ahaayeen; Wakiillo ka socday; IGAD, Itoobiya, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo kuwo kale, kuwaasoo labada dhinacba ku cadaadiyay inay heshiiskan saxiixaan.

Ugu dambeyntii, Madaxweynuhu wuxuu ugu baaqayaa Ummadda Soomaaliyeed, Dal iyo Dibadba iyo Beesha Caalamka inay u caawiyaan dadka ay saameysay abaarta ka jira qaybo ka mid ah Soomaaliya.

Add New Comment