Admiral Faarax Qare: Kalluumeysiga sharci-darrada ah ee Badaha Soomaaliya Waa in Wax laga Qabtaa


Taliyihii hore ee ciidamad Badda Soomaaliya, Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare) ayaa sheegay in Waddammo fara badan ay si sharci-darro ah Badda Soomaaliya uga kalluumeystaan, isagoo xusay in caalamku uusan doonayn in la dhiso ciidanka badda Soomaaliya si looga hortago falalkaan oo kale.

Faarax Qare ayaa xusay in waddamada kalluumeysiga sharci-darrada ah xilligaan kawada badaha Soomaaliya, isagoo sheegay in caalamka looga baahnaa inay ugu soo gurmadaan arrintaan ka hor-taggeeda sidii ay ugu soo gurmadeen dagaalladii ka dhanka ahaa Burcad-badeedda.

“Caalamku ma ogola in la dhiso ciidamad Badda Soomaaliya, sidaa la socotaan wali cunno-qabateynta hubka ayaa dalkeenna saaran, hub ma soo gadan karno, ma soo iibsan kano maraakiib, sidoo kale ma hayno dad lah aqoontii diyaarad ama markab lagu wadi lahaa,” ayuu yiri Faarax Qare oo haatan ah agaasimaha hay’adda badaha Soomaaliya.

Admiral Qare ayaa intaas ku daray. “Waddamo fara badan ayaa Baddeena ku jira oo kalluunkeena guranaya, maanta haddii burcad-badeedka la waayay, burcad-kalluun ayaan haynaa, kuwaas ayaana in wax laga qabto loo baahan yahay.”

Sidoo kale, Faarax Qare wuxuu sheegay in haddii ciidamada badda la xoojin lahaa, qalabka loogu deeqi lahaa ay taasio keeni lahayd in kalluumeysiga sharci-darrada ah uu yaraado, isla markaana markabkii aan waddan wax shati ah gacanta lagu soo dhigi lahaa.

Ugu dambeyn, Hay’ad ka faalloota Kalluumeysiga Nabdoon ayaa warbixin ay horay  u soo saartay ku sheegtay in kalluumeysiga sharci=darrada ah ah Badda Somalia Sannadkii laga helo Malaayiin Doollar.

Add New Comment