Wasiirada Arimaha Dibada Somaliya Iyo Imaaraadka Carabta oo kulmay



UAE Som.jpgWasiirka arrimaha dibedda ee xukuumada federaalka Soomaaliya Cabdislaam Cumar Hadliye iyo dhigiisa wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ee dalka Isku tagga Imaaraadka Carabta Sheekh Cabdullah bin Zayed Al Nahyan ayaa kulan ku yeeshay magaalada Abu Dhabi.

Sheekh Cabdallah Bin Zayed Al  Nahyan oo soo dhoweeyay waasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya iyo wafdiga uu hogaaminayay ayaa waxay ka wadahadleen xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta iyo sida lagu hormarin karo. 

Wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya ayaa ammaanay dadaalka bani’aadanimo iyo samafal ee dalka Isku tagga Imaaraaadka Carabta uu ku caawinayo Soomaaliya iyo shacabkeeda oo dhibaato ay hadda soo wajahayaan. 

Wuxuu uga mahadceliayay dowlada Isku tagga Imaaraadka Carabta mashaariicda ay ka fulisay Soomaaliya. 

Labada dal ayaa sidoo kale ka hadlay horumarkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya ayagoo dib u eegay deegaanada laga sameeyay howlgalada iyo  iskaashiga labada dhinac. 

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay danjiraha dalka Isku tagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya,  Maxamed Axmed Cusmaan.

Add New Comment