Turkiga oo Muqdisho ka hirgelin doona mashruuc lagu dhisayo 10 Kun oo guri



Dowladda Turkiga ayaa shaaca ka qaadday in dhawaan ay Muqdisho ka hirgalin doonto mashruuc lagu dhisaayo ku dhawaad 10 Kun oo Guri oo loogu talo galay in ay ka faa’iideystaan dadka shacabka ah kuwooda aanan waxba heysan ee ku nool magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Ku xigeenka Kaaliyaha Wasaaradda Arimaha Dibadda Dalka Turkiga, Cali Kamal Aydin oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhawaan ay hirgalin doonaan mashruuc guryo looga dhisaayo gudaha Soomaaliya, kaas oo uu horay u balan qaaday madaxweynaha dowladda Turkiga, Reccep Tayyip Erdogan xilli uu booqasho ku yimid gudaha Soomaaliya sanadii 2015-ka.

“Waxaa dhawaan billaabeynaa qorshayaal aan ku dhiseyno ku dhawaad 10 Kun oo guri oo loogu talo galay in ay ka faa’iideystaan dadka aanan waxba heysan ee ku nool gudaha magaalada Muqdisho. Sidoo kale guryahaan waxa ay qeyb weyn ka qaadan doonaan bilicda caasimadda Soomaaliya oo haatan uu ka muuqdo horumar aad u ballaaran” ayuu yiri, Kuxigeenka Kaaliyaha Wasaaradda Arimaha Dibadda Dalka Turkiga, Cali Kamal Aydin.

25-ka bisha Janaayo ee sanadkii tagay ee 2015-ka ayey aheyd markii madaxweynaha Turkiga oo baaqasho ku yimid magaalada Muqdisho uu balan qaaday in gudaha Soomaaliya ay ka hirgalin doonaan ku dhawaan 10 Kun oo guri oo loogu talo galay in ay ku intifaacaan dadka aanan waxba heysan ee ku nool gudaha Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho ee caasimaadda Soomaaliya.


Add New Comment