Wasiirka arrimaha gudaha oo ka qaybgalay kulan ka dhacay xarunta gobolka Banaadir



Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa maanta xarunta gobolka Banaadir waxa uu kaga qeyb galay kulan looga hadlayay amaanka iyo horumarka gobolka Banaadir.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa qaar kamid ah gudoomiye ku-xigeenada gobolka Banaadir iyo gudoomiyaasha degmooyinka, waxaana looga hadlay xaalada amni ee gobolka iyo halka ay marayaan howlaha bilic soo celinta caasimada .


Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), oo kulanka ka hadlay ayaa maamulka gobolka ku amaanay sida ay wax uga qabteen amaanka gobolka iyo dhismaha waddooyin ku yaala magaalada Muqdisho.

Waxa uu tilmaamay Wasiirku in gobolka Banaadir uu ka jiro isbadal dhinacyo badan ah sida amaanka oo wax iska badalay markii gobolka lagu wareejiyay, waxa uuna ugu baaqay maamulka gobolka in ay dar dar galiyaan howlaha amaanka iyo nadaafada gobolka.


Add New Comment