Warbixin uu soo saaray golaha ammaanka oo lagu ammaanay Madaxweyne Xasan iyo Dowlada Federalka




Warbixin uu soo saaray Golaha ammaanka ayaa waxa uu ku ammaanay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowlada Federalka horumarka dhinaca siyaasada ah ee ka dhacay dalka Soomaaliya afartii sano ee la soo dhaafay.

Golaha Ammaanka ayaa warbixintan  soo saaray kadib kulan uu 19-kii bishan warbixin kaga dhageystay madaxweyne Xasan Sheekh, waxana uu goluhu si gaar ah ugu bogaadiyey dowlada Federalka heshiiska laga gaaray nooca doorashada Soomaaliya ee 2016-ka, taasi oo goluhu sheegay inay u gogol xaari doonto doorasho qof iyo cod ah oo Soomaaliya ka dhacda 2020-ka

Warbixintan ayuu Golaha Ammaanka waxa uu ugu baaqay baarlamanka Soomaaliya inay sida ugu dhaqsiyaha badan u ansixiyaan heshiika ay gaareen Madasha Wadatashiga Qaran.

Waxana ay xubnaha Golaha Ammaanka ay markale sheegeen inay rajeynayaan in wax waqti kordhin ah aan loo sameyn hay’adda dowladda Soomaaliya ee iminka jira,waxana uu goluhu walaac ka muuiyey xaaladda amni ee Soomaaliya isagoo ku tilmaamay mid aad u jilicsan.

Xubnaha golaha ammaanka ayaa qoraalkooda ku cambaareeyey weerarada Al-Shabaab iyo qorashada kooxdaas ee caruurta, ayaga oo ku ammaanay ciidamada Amisom iyo kuwa qaranka Soomaaliyeed inay yareeyeen halista kooxdan.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa waxa ay ku taliyeen  in lasii wado weerarada Amisom iyo ciidamada dowladda Soomaaliya ee ka dhanka ah Al-Shabaab, iyada oo la waafajinayo xeerka caalamiga ah ee dhowrista shacabka iyo xuquuqda aadanaha.


Add New Comment