Tahriibayaal lagu Qabtay Garoonka Muqdisho




Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha dowladda Soomaaliya ayaa maanta garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ku qabatay 11 dhallinyaro Soomaaliyeed ah, oo kusii socday magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Dadkan ayaa mas’uuliyiinta hay’adduu waxa ay sheegeen in qorshahoodu ahaa inay dalka Masar uga sii tahriibaan Yurub.

Agaasimaha hay’adda socdaalka Cabdullaahi Gaafow ayaa sheegay in dhallinyaradan ay wateen Visa been abuur ah, ayada oo dalkan looga saarayey qaab cayaaratoy ahaan ah.

Dadkan ayaa waxaa hoggaaminayey, sida uu sheegay Gaafow, nin muqalas ah oo haysta baasaboorka dalka Australia, kaasi oo hore laba koox oo kale dalka ka dhoofiyey.

Ninka muqalaska ah oo magaciisa lagu sheegay Xuseen Caydaruus Shariif, ayaa la sheegay in dadka uu kaxeynayey ka qaatay lacag badan.

Add New Comment