Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta Golaha Ammaanka ee QMi warbixin ka siin doona xaaladda Soomaaliya



MX UN.jpgMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la filayaa inuu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay warbixin ka siiyo xaaladda siyaasadda , amniga iyo arrimaha kale ee dhinaca horumarka ee Soomaaliya ka socda.

Madaxweynaha oo xaley gaarey magaalada New York, ayaa warbixintiisa diiradda ku saari doonaa doorashooyinka dalka ka dhacaya sannadkan 2016-ka iyo dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada.

Maalinta berri ah, waxaa uu Madaxweynaha khudbad ku saabsan xaaladda Soomaaliya iyo halka xaal marayo uu ka jeedin doonaa Machadka Caalamiga ah ee United States Institute of Peace ee magaalada Washington.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale 22-ka bishan ka mid noqonayaa madaxda caalamka ee xarunta Qaramada Midoobay ee New York, ku saxiixi doona heshiiska cusub ee isbeddelka cimilada adduunka ee Paris Agreement, kaas oo hoos imaanaya barnaamijka Qaramada Midoobay ee United Nations Framework Convention on Climate Change (UNFCCC).

Hindisaha heshiiskan cusub ayaa la isku raacay bishii December 12- sannadkii 2015, balse waxaa uu rasmi ahaan dhaqangalayaa marka ay hoggaamiyeyaasha waddamada xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ay qalinka ku duugaan maalinta Jimcaha ah.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale la filayaa inta uu joogo Mareykanka unuu kulamo la qaato qaar ka mid ah madaxda caalamka iyo diblomaasiyiin kale.


Add New Comment