WASIIR HADLIYE: Tirada Soomaalida ku dhimatay Shilkii doon weli lama hayo baaris baana Socota


Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia, C/salaan Cumar Hadliye ayaa ka hadlay Tahriibayaashii Soomaliyeed ee ku dhintay badda u dhexeysa Liibiya iyo Talyaaniga, halkaasoo ay kula dagtay doon ay ku safrayeen oo ay ka raaceen dalka Masar.

Mudane Hadliye oo wareysi siiyay VOA-da ayaa xusay inay wadaan baaritaan ku saabsan tirada rasmiga ah musiibadaas ku dhintay, isagoo xusay inaan la heli weli tirada rasmiga ah ee shilkaas ku dhintay.


Sidoo kale, Hadliye ayaa xusay in arrintan ay safaaradaha Soomaaliya ay ku leedahay Waddamada Masar iyo Talyaaniga kala xiriirayaan, inkastoo uusan xusin warbixin ay weli ka hayaan shilkaan.

"Waxaan ognahay inay dad Soomaaliyeed oo fara badan ay musiibadaas ku dhammaadeen. Waxaan la hadlay Safaaradeena joogta Qaahira iyo Roma, weli tirada ma cadda, balse waxaa la ogsoon yahay oo keliya inay mashaqo xoog leh meeshaas ka dhacday dad badani meeshaas ku halligmeen," ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Somalia.

Hadliye ayaa xusay in safaaradaha ay u xaqiijiyeen in shilku uu jiro, balse aan weli la hayn Tirada saxda ah iyo Dadka kale ee ku Geeriyooday Waddamada ay u kala dhasheen ama ka soo kala jeedaan.

"Safaaradahayaga, Waxay xaqiijiyeen jirtaanka Shilkaan, balse lama oga illaa hadda tirada Rasmiga ah ee Dhimashada iyo waddamada ay kasoo kala jeedaan. iyadoo Shaki uu ka jiro in dal walba uu leeyahay biyaheena kama dhicin, marka waxaan sugaynaa warbixinta halka ay u biyo-shubato," ayuu wasiirku ku daray hadalkiisa.

Ugu dambeyn, Waddamada Masar, Talyaaniga iyo Gariiga ayaa sheegay inaysan weli hayn tirada rasmiga ah ee dadkii ku dhintay Doonnidii ku dagtay Biyaha u dhexeeya Talyaaniga iyo Liibiya, kuwaasoo ahaa boqollaal Tahriibayaal ah oo ka ambabaxay dalka Masar, kuna socday Talyaaniga.

Add New Comment