Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay inay baarayaan falkii AMISOM ay ku dishay dad rayid ah



Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in ay baaritaan ku sameynayaan dadkii rayidka ahaa oo ay AMISOM ku dishay deegaanka Buula-Mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Mudane Maxamed Cumar Carte oo wareysi gaar ah siiyay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in saraakiisha AMISOM ay kala hadleen sida uu falkaasi ku dhacay, isla markaana Xukuumadda ay ka xuntahay falkaasi, isagoo xusay inay iminka socoto baaritanno lagu ogaanayo, waxaana uu intaa ku daray in AMISOM ay dhankooda qirsanyihiin falka ay geysteen oo ay raali gelin ka bixiyeen.

“Waxaan saraakiisha AMISOM kala hadalnay falkii ay ciidamadooda ka geysteen buulo Mareer, runtii arrinkaasi baaritaanno ayaa ka socda, Xukuumadda waa ay ka xuntahay falkaasi dadka rayidka ah lagu dilay, waxaana uu ehelada uga tacsiyadeeyay afarta qof ee ay ciidanka AMISOM dishay”ayuuu yiri Ra’iisul wasaare ku-xigeenka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa hay’adaha ammaanka ku armay inay gacanta ku soo dhigaan dadkii ka dambeeyay falkii dhawaan kooxo hubeysan ay ku weerareen labo gabdhood oo walaalo ah oo mid ka mid ah ay weerarka u geeriyootay, halka mida kale ay dhaawac ka soo gaartay iyo haweeney kale oo iyana muqdisho lagu dilay, si loola tiigsado cadaaladda.


Add New Comment