Qaraxyo ismiidaamin oo lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Muqdisho


Laba qarax oo aan waxba u dhaxeynin oo ismiidaamin ahaa ayaa goor dhaweyd ee maanta lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Muqdisho, iyadoo labadaasi qarax ay fuliyeen naftii hurayaal watay Gawaare laga soo buuxshay waxyabaha aadka u qarxa.

Qaraxan oo dhacay abaarihii 2-dii Duhurnimo ayaa warar is khilaafsan ka soo baxayaan, waxaana halka Gaariga ku qarxay la sheegay inay aheyd afaafka hore ee irida laga galo Garoonka Diyaaradaha halkasoo ay ammaanka garoonka si weyn u illaalinaayeen ciidamada AMISOM.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Waxa is qarxiyay ay ahaayeen labo Gaari oo kala ahaa Runeet iyo Kaarib, waxaana sida la sheegay marka hore is qarxiyay gaariga Kaaribta iyadoo xiligaasi kadibba kooxo kale oo ku labisanaa dareeska ciidamada dowladda oo ka soo dagay gaariga kale ee Runeetka ahna ay gudaha Garoonka ku fureen rasaas xoogan.


Hugunka qaraxyada ayaa si weyn looga maqlay magaalada Muqdishu ,waxaanu qaraxyadani ay yihiin kuwa   Xarrakada Al Shabaab  la beegsato Dowladaad taasoo bishii Agosto 24 dii  Hotelka MUNA oo ay degenaayeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka  ay weerar isniidaamin  iyo toogasho ku qaadeen ciidaan ka tirsanaa Al Shabaab, weerarkaasoo keentay inay ku dhintaan 37 ruux oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaano iyo Saraakiil ka tirsanaa Dowladda KMG ah ee Soomaliya.


Lama oga qasaaraha labadaasi qarax ee ismiidaaminta ahaa ay geysteen waxaase lagu wadaa inay ku dhinteen kuna dhaawacmeyn askar ka tirsan ciidamada AMISOM iyo ku Dowladda KMG ah ee Soomaaliya .



wixii war kasoo baxa kala soo xirriira www.silgor.com

Add New Comment