Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali
Sharma'arke ayaa gallinkii dambe ee shalay kulan kula yeeshay Nairobi
xubno ka tirsan beesha calaamka, kuwaasoo uu kala hadlay xaaladda dalka
uu ku sugan yahay.
"Waxaa kulan ay albaabbadu u xiran yihiin Nairobi ku yeeshay ra'iisul
wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid iyo xubno ka socda beesha
caalamka, gaar ahaan midowga Yurub, wuxuuna kala hadlay xalaadda uu
dalka ku sugan yahay," ayuu yiri Maxamed Cismaan Aadan (Edson) oo ah
qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Nairobi.
Edson, ayaa sheegay in ra'iisul wasaaraha iyo xubnaha uu kulanka la
qaatayay ay diiradda saareen xaaladaha siyaasadda, ammaanka iyo
bani'aadamnimada, ayna xubnaha ka socday midowga Yurub ballanqaadeen
inay gacan kasiin doonaan DKMG ah soo celinta ammaanka guud ee dalka.
Qunsulku, wuxuu sheegay in sidoo kale kulanka lagu soo qaaday
dastuurka cusub ee uu khilaafku ka dhashay, kaasoo ay labada dhinac si
wanaagsan iskula fahmeen, laguna wado in mar kale ay ka hadlaan.
Ra'iisul wasaare Sharma'arke ayaa sheegay inuu Nairobi u joogo sidii
uu klammo ula qaadan lahaa beesha caalamka, uuna kala hadli doono
waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin mushaaraadka ciidamada iyo
meelmarinta dastuurka cusub ee qabyada ah.
Dastuurka cusub ee dhawaan lasoo bandhigay ayaa wuxuu khilaaf xooggan
dhex-dhigay madaxweyne Sheekh Shariif iyo ra'iisul wasaare Sharma'arke,
sidoo kalena wuxuu kala qaybsanaan ku keenay xildhibaannada barlamaanka
Soomaaliya.