Dagaalo culus iyo Madaafiic ayaa xalay ka bilowday Muqdisho


Dagaalo xoogan oo laysku adeegsanaayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ka qarxay xalay saxuurta marki loo kacay wadada dheer ee Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdishu,waxaa sidoo kale jiray dagaal galabta ka dhacay Waqooyiga Muqdisho oo ay guulo ka sheegteen Xarakada Al shabaab 


Hugunka madaafiicda kala duwan iyo qoryaha daran dooriga u dhaca ayaa si weyn looga maqlayaa magaalada Muqdishu , sidoo kale madaafiicda ka dhaca Taangiyada iyo kuwa BM-ka ayaa iyana ayay ku duqaynayaan Ciidamada AMISOM si aan loo meel dayin goobaha ay mucaaradka kasoo weerar tagayaan.



Xoogaga Alshabaab ayaa weeraro dhowr jiho kaga soo qaaday Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda ee hada difaaca kaga jira  Wadada dheere ee  Maka Al-Mukarama.


Ciidamada Al Shabaab Al Mujaahidiin ayaa waxay dhankooda kaga tuurayaan Ciidamada AMISOM qoriga lidka Diyaaradaha ee Zuuga loo yaqaan , qoriga kaaraha lagula diriro ee loo yaqaan jiib gacmeedka iyo baasuukaha kuwaasoo laga tuuro garbaha.


Saxuurta ayaa u muuqatay mid madaafiic la isaga kiciyay, waxaana gees ka gees magaalada laga maqlayaa madaafiicda oo ah daran doori ah, waxaana qof walba oo jiifay mar kaliya uu hurdada kaga salayay sawaxanka waxa dhacaya.

Afhayeenka Ciidamada Shabaab C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in dagaalada ay ku qabsadeen goobo hor leh oo ka tirsan magaalada Muqdisho, kuwaasoo ay horay u joogeen Ciidanka Dowladda,  waxaa kaloo la sheegaya in ciidamada dowladda KMG ah ay ka muuqato  kala daadsanaa  kadib markii ay heli waayeen daryeelkii ay u baahnaayeen.


Dagaalada  labada todobaad  ka socda magaalada Muqdishu ee u dhexeeyo Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda oo difaac ah iyo Xarrakada Shabaab Al Mujaahidiin iyo Xizbul Islaam oo weerar ah waxaa ku dhinteen ilaa 230 ruux oo rayit ah , walina wax natiijo ah ayayan cidina ka gaarin, lamana sadaali karo cidda ku guulaysan doonto iyo gooorta uu soo af jarmi doono dagaalkan ay shacabka magaalada degani ay ku hoobteen .

Add New Comment