Hay'adda UNCHR oo sheegtay 230-qof inay ku dhinteen dagaalladii ka dhacay Magaalada Muqdisho


 Hay'adda UNCHR ee Qarammada Midoobay u qaabilsan Qoxootiga ayaa sheegtay in 230-qof oo shacab ah ay ku dhinteen dagalladii toddobaadyada ku dhexmarayay Muqdisho ciidammada iyo Xarrakatul Shabaab.

"UNCHR waxay si qaylo-dhaan ah uga digaysaa xaaladda xun ee sii kordhaysa oo a ku jirto magaalada Muqdisho," ayay tiri afhayeenad u hadashay UNHCR oo lagu magacaabo Melissa Fleming.

Afhayeennadu, waxay intaas raacisay: "Dagaalladii ciidammada dowladda iyo kuwa Xarrakatul Shabaab ku dhexmaray Muqdisho labadii toddobaad ee tagtay, waxay salfadeen nolosha 230-qof, waxaana ku dhaawacmay 400-qof oo kale, iyadoo ay ku barakaceen 23,000-qof."

Magaalada Muqdisho oo ay dagaallo badan ka dhaceen ayay UNCHR sheegtay in 200,000-qof ay dagaalladaas ku qasbeen inay guryahooda ka barakacaan sannadkan oo qura, kuwaasoo ay sheegtay in intooda badan ay xuduudaha dalka ka tilaabeen.

Fleming, waxay sheegtay in caasimadda Somaaliya ay u muuqaal eg-tahay sidii dhul lama dagaan ah, sidoo kalena ay wasaqoobeen jidadkii camirnaan jiray, dadka yar ee ku harsanna ay cabsi weyn ka qabaan inay ku noolaadaan guryahooda.

Sidoo kale, waxay xustay in xaaladda ammaan ee dalka ay tahay mid aad u xun, ayna si gaabis ah ku socdaan gargaarka bani'aadamnimo oo laga bixiyo Muqdisho keliya.

"Dadku waxay ka qaxayaan Muqdisho iyagoo lug geynaya sitana wax yar oo agab ah, qaarkoodna ay wataan basas yaryar ay agab u saaran yihiin, halka kuwo kalena ay ka qaxeen guryahooda iyagoo aan waxba wadan," ayay hadalkeeda ku dartay afhayeennada.

Khasaaraha dagaalladan ayay sheegtay haya'dda UNCHR inay yihiin kuwii ugu badnaa ee ka dhasha dagaallo muddo laba toddobaad ku sugan ka dhacay Muqdisho, iyadoo sheegtay in ciidamada dagaallamaya ay adeegsanayaan hub culus.

Add New Comment