Qarammada Midoobay oo dowladda Soomaaliya ugu baaqday inay isku diyaariso maamulka dalka oo dhan

Sarkaal ka tirsan Qarammada Midoobay ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay isku diyaariso sidii ay kula wareegi lahayd dalka oo dhan, iyadoo la ogyahay in gobollada koonfureed iyo muqdisho inteeda badan ay gacanta ku hayso Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin iyo Xisbul Islaam.

"Qarammada Midoobay waxay taageersan tahay Dowladda Soomaaliya, balse waa inay la timaaddo waxqabad ay ku xukumi karto dalka oo dhan, iyadoo aan ku xadgudbayn xuquuqda aadanaha" ayuu yiri Lynn Pascoa oo ah ku xigeenka xoghayah guud ee Qarammada Midoobay ee arrimaha siyaasadda.

Mr. Pascoe oo dhawaan booqday Muqdisho ayaa kulamo la qaatay Madaxweyne Sheekh Shariif iyo saraakiisha ciidamada dowladda, waxaana sidoo kale uu kulamo la qaatay saraakiisha iyo madaxda ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho.

Sarkaalkan ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya muddada yar ee u harsan laga doonayo inay dalka oo dhan gacanta ku dhigto, wuxuuna xusay in beesha caalamku ay siinayso taageero hiil iyo hooba leh.

Wadfiga Qarammada Midoobay ee booqday Muqdisho ayaa waxaa ka mid ahaa wakiilka xoghayaha guud ee arrimaha Soomaaliya Augustine Mahiga, kuwaasoo aan la kulmin Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxay taageeradeeda ugu badan ka heshaa UN-ka, waxaana soo-jeedintan ay noqonaysaa tii ugu horreysay oo loosoo jeedo dowladda uu horkacayo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Add New Comment