Al Shabaab oo meel fagaare ah gacmaha kaga jaray labo wiil dhalinyaro ah


Waxa meel fagaro ah looga jray gacmaha labo wiil oo dhalinyaro ah oo da'dooda lagu qiyaasay 20 iyo 25 marki lagu soo  eedeeyay inay alaabo ka xadeen goob ganacsi oo ku taala suuqa magaalada Beledweyn.

Maamulka Al shabaab ee magaalada Beledweyne ayaa maanta meel fagaare ah xukun gacan goyn kaga fuliyeen labo wiil oo dhalinyaro ah, kuwaasi oo lagu soo eedeeyeen inay geysteen falal tuugonimo ah.
Qaadiga Maxkamadda Al Shabaab ayaa u cuskaday dhalinyaradaasi shareecada Islaamka waxa ay ka qabto qofkii lagu caddeeyo fal tuugonimo ah.

Gacno goyntaasi maanata waxaa ka soo qeyb galay  oo usoo daawasho tagay boqolaal dadweyne ah kuwaasoo dantoodu ahayd inay daawadaan  qaabka Al Shabaab ay dhalinyaradaasi gacmaha ugu goynayeen.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Al shabaab ay gacan ka gooyaan dad ay kusoo qabteen ama lagu soo caddeeyay fal xatooyo ah , waxay horay gacmaha ay kagooyeen ama ay dhagax ku dileen  dad badan oo deganaa Gobolada ay maamulaan Al Shabaab kuwaasoo lagu fuliyay sida shareecada diinta islaamka ka qabto dembiga ay gaysteen.

Add New Comment