Sii Hayaha Xilka Ra’isal wasaaraha Soomaaliya mudane C/waaxid Cilmi Goonjeex oo kormeer ku tagay Dekeda Muqdisho


Mudane C/waaxid Cilmi Goonjeex ayaa maanta Kormeer Howleed ku tagay Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho,waxay mid mid u galeen Qeybaha ay ka kooban tahay Dekadda iyagoo ku soo wareegay guud ahaan Bakhaaradii lagu kaydin jiray Waxyaabaha ka soo dega Dekadda. wuxuuna sidoo kale u kuurgalay sida ay u socoto Howsha Dekadda Caalamiga ah ee Muqdisho .


Maareeye Ku xigeenka Dekadda Muqdisho Axmed Shariif Cali Hilowle oo ka warbixinayay dekadda iyo sida ay u shaqeyso ayaa waxaa uu ka dalbaday dowladda KMG ah ee Soomaaliya in dhaqaalaha ka soo xaraada Dekadda qeyb ka mid ah lagu celiyo Horumarinta dekadda weyn ee magaalada Muqdisho.

Waxaa sidoo kale warbixin soo jeediyey Siciid Siyaad Madaxa Canshuuraha iyo Maaliyada ee Dekada Muqdisho waxuuna ka hadlay lacagta ka soo xarootay dekadda magaalada Muqdisho iyo hanaanka ay u shaqeeyso qeybta canshuuraha ee dekadda Muqdisho.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta  mudane Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan ayaa isna dhinaciisa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dardargelin doonto howlaha dekadda magaaladda Muqdisho iyo Ilaha kale ee muhiimka u ah Dowladda Soomaaliya, wuxuuna Sii Hayaha Ra’isal wasaaraha ka codsaday in uu shacabka u balanqaado in ay howlaha dekadda sidoodii caadiga ahayd u soconayaan, islamarkaana ay dowladdu si gaar ah isaga xil saari doonto dhamaan wixii cabasho ah ee jira.


Ugu dambaystii Sii Hayaha Xilka Ra’isal wasaaraha ayaa  ceeb iyo fadeexo ku tilmaamay in dhaqaalaha ka soo xarooda Dekadda magaalada Muqdisho iyo dekaddaha kale ee macmalka ah ee u yaala dalka marka la is barbardhigo wax  soo saarkooda  in dekaddahaasi macmalka ah k ay ka dhaqaale  bataan dekada Muqdisho.

Add New Comment