Hoggaamiyaha Xarakatul-Shabaab oo ka hadlay Weerar lagu qaaday masuuliyiinta Ururkaas qaarkood


Hoggaamiyaha Xarakatul-Shabaab Axmed Cabdi Godane, ayaa ka hadlay weerar diyaarad nooca qumaatiga u kaca ahi ay ku qaadday Guri ay ku shirayeen masuuliyiin ka tirsan Al-Shabaab, waxaanu sheegay in uu ka mid ahaa hoggaamiyayaasha Guriga la weeraray ku jiray wakhtigii ay duqayntu qabsatay Guriga.

26-kii bishan, abbaaro 12:30 duhurnimo, ayaa diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah ee loo yaqaano Helicopter ay weerar ku qaadday oo ay duqaysay Guri ku yaala magaalada Marka ay ku shirayeen hoggaanka iyo masuuliyiinta Al-Shabaab qaarkood.

Sida aanu ka soo xiganay Wargeyska TIME, Hoggaamiyaha Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane oo Khadka Telefoonka ugu waramay Wargeyskaas, ayaa sheegay in uu ka mid ahaa dadkii ku jiray Gurigaas ee shirku uga socday, isla markaana uu arkayay Diyaaradda Rasaasta ku furtay Gurigay ku shirayeen, taas oo uu midabkeeda ku sheegay inay u ekayd midabka Sibidhka ama Shameetada. Ina Godane wuxuu intaa ku daray oo uu sheegay in Diyaaraddu ka soo kacday dhinaca Badda markii ay Rasaasta ku ridday Guriga.

“Diyaaradduna waxay Hawada Marka ku jirtay muddo 20 daqiiqadood ah, markii dambena way tagtay,” ayuu yidhi Axmed Cabdi Godane, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Hadda waxaanu baadhaynaa Rasaastii ay ridday.”

Mar Axmed Cabdi Godane la waydiiyay waxa uu ku saabsanaa Shirka ka socday Guriga la duqeeyay, ayaa wuxuu sheegay in Shirkaas oo Guriga uu ka socday uu leeyahay mid ka mid ah dadka taageera Kooxdoodu uu ku saabsanaa xallinta khilaaf awoodeed soo dhex galay isaga Axmed Cabdi Godane ahaan iyo Afhayeenkii hore ee Al-Shabaab Mukhtaar Roobow (Abu-Mansuur), ka dib markii ay isku khilaafeen awoodda maamul ee Kooxdaas.

Warka uu tebiyay Wargeyska TIME, wuxu uintaa ku daray in Ina Godane uu diiday in uu wax ka yidhaahdo khasaaraha ka dhashay duqayntaas iyo in ay cidi wax ku noqotay weerarkaas. Hase ahaatee, wuxuu sheegay in ay maamulkoodu magaalada xidheen markii weerarku dhacay, isla markaana ay diideen in ay cidi ka baxdo, si loo xaqiijiyo in ay jirto cid tebisay warka shirka, Waxaanu sheegay in sidoo kale ay bakhtiiyeen ama damiyeen isgaadhsiinta Gacanta (Mobiles-ka).

Hoggaamiyaha Al-Shabaab waxa kale oo uu ka hadlay ilaha ay ka helaan dhaqaalaha, mar uu arrintaa ka hadlayayna wuxuu yidhi, “Ilo kala duwan ayaanu dhaqaalaha ka helnaa, maal-qabeenno Muslimiin ah ayaana
maal-geliya jihaadka, taageerayaal kala duwan ayaananu ku leenahay Caalamka.”

Waxaanu dhaleeceeyay dawladda Maraykanka oo uu sheegay in aanay awood u lahayn inay ka takhalusto Al-Shabaab. “Ilaahay ayuun baa naga adkaan kara, Maraykanku nagama adkaan karo, waa cadowga Ilaahay, ciqaabtiisa ayaanay la kulmi doonaan haddii aanay cafis waydiisan,” ayuu yidhi Axmed Cabdi Godane.

Add New Comment