Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliyeed oo sheegay in ciidankiisu dhowaan howgeli doonaan


Taliyaha Ciidamada Badda Soomaaliyeed Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare) ayaa sheegay in ciidamada badda Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ay dhowaan billaabi doonaan howgallo ay kula dagaalamayaan kooxaha burcad-badeedda Soomaalida ah.

Admiral Faarax Qare oo la hadlayey idaacadaha maxaliga ah ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu meel gabgabo ah marayo qorshe ciidamada badda ay ugu tala galeen in lagu ilaaliyo kheyraadka dabiicga ah ee dhex yaalla badaha Soomaliya.

Taliyaha ayaa waxa uu intaasi ku daray in ciidamadoodu ay dhowaan heli doonaan qalab iyo taageero dhaqaale oo ay horey ugu ballan qaadeen dowlado Soomaaliya saaxib la ah, ayna howlagalladoodu si toos ah u billaaban doonaan kaddib isla marka ay amar ka helaan mas'uuliyiinta Dowladda KMG.

Hadalaka taliyaha ciidamada badda Soomaaliyeed Admiral Faarax Qare ayaa waxa uu ku soo aaday maalin uun ka hor waqti dowladda Spain ay Soomaaliya ugu deeqday 3 milyan oo Euro (lacagta Yururb) oo lagu tababarayo ciidamada badda Soomaaliyeed si ay qayb uga noqdaan la dagaalanka burcad badeedda ka qowleysata biyaha Soomaaliya iyo meelaha ku dhowdhowba.


Add New Comment