Warsaxaafadeed laga soo saaray shirkii Kooxda Xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya ee ka dhacay Spain


Shir socday laba maalmood oo ka dhacay magaalada Madrid ee dalka Spain, loogana hadlay arrimaha dalka Soomaaliya ayaa maanta lasoo gabagabeeyay, iyadoo laga soo saaray warsaxaafadeed ka kooban toddoba qodob.

Warsaxaafadeedka ayaa looga dalbaday dowladda KMG ah inay muddo lixdan maalmood ah kusoo gabagabeyso qorshe looga baxayo xiliga KMG ah ee dowladdu ay haatan ku shaqeyso, ayna si dhaqso badan ku fuliso.

Sidoo kale, warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in xilliga KMG ah ee dowladda uu ku eg-yahay 20-ka August 2010, iyadoo hay’adaha xukuumadda laga codsaday inay howshooda KMG ah kusoo gabgabeeyaan muddada yar ee harsan.

Waxaa sidoo kale looga codsaday dowladda inay dhameystirto qoraalka dastuurka cusub, si shacabka Soomaaliyeed ay uga baxaan xilliga KMG ah ee dowladdoodu ku shaqeyso.

Qodobka saddexaad ee warsaxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in dowladdu xoojiso dib u heshiisiintii lagu gaaray dalka Jabuuti, ayna la hadasho kooxaha kasoo horjeeda si ay ugu soo darto dowladda.

Waxaa la isku raacay in la xoojiyo ciidammada AMISOM ee ku sugan dalka Soomaaliya, lana gaarsiiyo tiradooda 8,000-askari, muddo koobanna lagu gaarsiiyo 20,000-askari.

Howlaha la dagaalanka burcadbadeedda Soomaaliya ayaa la dalbadya in la xoojiyo, iyadoo la codsaday in la tababaro ciidammada badda si ay uga qaybqaataan la dagaalanka burcadbadeedda.

Sidoo kalena, waxaa laga dalbaday beesha caalamka inay xoojinayaan taageerada ay siiyaan DKMG ah, ayna la xisaabtamaan hay’adaha dowladda si loo ogaado halka uu ku baxo dhaqaalaha la siiyo.

Qodobbada kasoo baxay shirka ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah in la kordhiyo gargaarka bani’aadamnimo ee shacabka Soomaaliyeed iyo in la difaaco shacabka, sidoo kale waxaa hoosta laga xariiqay in la joogteeyo diiwaangelinta tacadiyada xuquuqda aadanaha ee ka dhaca Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya oo shirka ka hadlay ayaa sheegay inuu sida ugu dhaqsiyaha badan u soo magacaabayo ra’iisul wasaare cusub, sidoo kalena uu wadahadallo la furayo kooxaha kasoo horjeeda.

Wakiilka xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay Augustine Mahiga ayaa uga mahadceliyay dowladda Spain shirkan, waxaana shirkaas ka qaybgalay in ka badan 45-dowladood oo daneeya arrimaha Soomaaliya iyo ururro caalami ah.


Add New Comment