Dowladda Soomaaliya oo deeq lacageed ka heshay dowlada Spain


Dowladda Spain ayaa waxa ay mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda KMG ee Soomaaliya guddoonsiisay lacag loogu talagalay in lagu tababaro ciidamada badda Soomaaliyeed, ayada oo uu hadda socdo shir caalami ah oo lagaga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo ka dhacaya magaala-madaxda dalkaasi ee Madrid.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee waddanka Spain Miquel Moratinos ayaa saxaafadda u sheegay in dalkiisu Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ugu deeqay lacag dhan 3 milyan oo Euro oo loogu talagalay in lagu tababaro ciidamada badda Soomaaliya, kaddib markii uu Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu kula kulmay magaalda Madrid.

Tababarka Ciidamada Badda Soomaaliya kasokow ayaa wasiirka waxa uu sheegay in lacagtaasi lagu horumarin doono kalluumeysatada iyo wax soo saarka kheyraadka badda iyo sidoo kale dayactir lagu sameyn doono markab weyn oo ay Soomaaliya leedahay oo hadda ku xiran deked ku taala dalka Spain.

Wararka ka imanaya magaala-madaxda Spain oo uu hadda ka dhacayo shirka Kooxda Xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya (International Contact Group for Somalia) ayaa sheegaya in Dowladda KMG ee Soomaaliya ay ka heshay tageero dhaqaale oo shirkaasi loogu ballanqaaday.

Add New Comment